Daariz 4+

Sahamiye Foundation

    • 免費

iPhone 螢幕截圖

描述

Daariz waa barnaamij xiiso leh, bilaash ah oo si fudud kaaga caawinaya barashada akhriska iyo qoraalka Af-Soomaaliga goobkasta iyo goorkasta oo aad joogto.

Akhriska Af-Soomaaligu waxa uu lama huraan u yahay waxbarashada, shaqada, xidhiidhka ehelka, adeegyada tignoolajiyadda cusub sida Zaad iyo adeegsiga baraha bulshada oo ah waaga cusub ee wada-xidhiidhka iyo xog-helidda wakhtigan casriga ah.

Haddii aad tahay qof hadda bilaw ah iyo haddii aad aqoon kooban u leedahay afka Soomaaliga oo aad rabto in aad kordhisato, barnaamijka Daariz waa habka ugu habboon ee aad si dhakhso ah ugu baran karto Af-Soomaaliga.

Haddaba si aad u bilawdo geeddiga aad akhriska ku baranayso ama aad cid kale ku barayso, la soo deg barnaamijka Daariz. Waxa aad ka heli doontaa boqollaal cashar iyo laylisyo. Waxa intaa kuu dheer, sheekooyin kala geddisan oo aad dhammaantood heli karto adiga oo aan wax khad (Internet) ah u baahan. Taasi waxa ay kuu suuragelinaysaa in aad goob kasta iyo goorkasta wax ku baran karto.

Waxbarashadu waa in ay noqotaa mid uu ardaygu xiiseeyo. Sidaasi darteed, mar kasta oo aad cutub ama cashar dhammeyso, waxa aad ku guuleysan doontaa neefaf geel ah (oo daruuraha kuugu xareysan!). Waxa aad kula tartami kartaa saaxiibbadaa adiga oo tirsanaya inta halaad ee aad ku guuleystay muddadii aad Daariz wax ka baranaysay.

Waxa aannu Daariz kusoo kordhin doonnaa barnaamijyo qofka akhriska bartaa ka heli doono waxbarashada dugsiyada oo lasoo koobay oo loogu talo galay dadkii aan fursad u helin in ay iskuul galaan. Barnaamijyadan oo bilaash ahi waxay suura gelinayaan in qofkii dedaal la yimaaddaa uu imtixaan u fadhiisto oo qaato shahaadadaha waxbarashada.

最新功能

版本 1.13

Waxa aanu ku soo darnay sheekooyin tiradoodu kor u dhaafayaan soddon oo ku jira heerka labaad. Sidoo kale, waxa aanu hagaajinnay cillado farsamo. Waa ku kaa!

App 私隱

開發者表明Sahamiye Foundation的私隱慣例或包括下列資料的處理。詳情請參閱開發者的私隱政策

不會與你連結的資料

開發者可能會收集以下資料,但不會連結你的個人身份:

  • 位置
  • 聯絡資料
  • 診斷

私隱慣例或因使用的功能或年齡等因素而異。進一步了解

你可能也喜歡

Qur'aan Af-Soomaali
參考
Learn Somali language
教育
Somali to English Translator.
教育
English To Somali Dictionary
教育
Somali Kids - Learn Somali
教育
Waxkabaro Collage
教育